Maqaal

Dulqaadka iyo faa'iidada uu leeyahay.

Waxaa qorey:Marwan Nor mude

Dulqaadku waa waxa ugu adag ee la qeexo,hadana waa waxa ugu sahlan ee afka laga sheego.kumanaan qof oo adduunka ku nool ayaa sameeyay  isku day ah in ay u sameeyaan qeexid.
Waxaa jiro erayo la micno ah ereyga Dulqaad waxaan ka mid ah:
》samir
》Adkaysi,
》Baarinimo,
》Hayinimo,
》Deganaanshi,
》Is-celin,

Alle subxaanahu watcaalaa wuxuu yiri:

Kuwa xaqa rumeeyoow sabra, oo sabarka ku tartama, oo heegan ahaada iyo kuwo adkeysi badan, xilka Alle idin saarayna dhowra aad liibaantaane”. Suurada aali Cimraan:Aayada 200.

Wuxuu kaloo yiri Alle kor ahaayeٍ

“Sabrayaasha waxaa la siin ujuuradooda xisaab la’aan.”Suuradda az-Zumar:Aayadda 10.

Dulqaadkaaga maanta waa faa'iidadaada berito,waxaa hubaal ah qofka leh dulqaadka in uusan marnaba qasaarin.

Dulqaadku wuxuu la mid yahay cashir aad maanta baratay kaas oo faa'iido ku leh noloshaada .haddaba aan badinno SAMIRKA iyo DULQAADKA si aan ugu noolaanno nolosha aan rabno kana miro dhalinno ahdaafteenna iyo riyooyinka aan mar walba ku riyoonno kuwaas oo nolosheenna faa'iido u leh,




Waxaa qorey:Marwan Nor Mude
muudde11@gmail.com

Comments

Post a Comment

Halkaan iigu reeb wixii Talo iyo Tusaale ah

Popular posts from this blog

XEERARKA CILMIGA NAFTA

Qaanuunka La dhaqanka dadka iyo Ganacsiga.