XEERARKA CILMIGA NAFTA


12ka XEER EE CILMIGA NAFTA










1:Xeerka Raaxada Nafta

-Ka fogaw Meelaha iyo Dadka buuqa badan.

2:Xeerka Maskax badnaanta

-Qofna ama meelna darajo aysan laheyn ha siin.

3:Xeerka Kaaftoonka

-Wax kasta oo aad ka kaaftoonto maad khasaarin,Waxyaabaha qaar in aad faraha ka qaado waa BILLOW WANAAGSAN.

4:Xeerka Horumarinta Nafta

-Naftaada xagga sare iyo Martabad fiican u baadh-baadh,Dabaqadda hoose waa buuq.

5:Xeerka Sugidda nafta

-Sameyso xeerar iyo hab-dhaqan aad ku ilaaliso naftaada.

6:Xeerka heer-sarenimada

-In aad hab cusub nolosha ku soo kordhisid oo dadka dhamina ay kugu daydaan waa heer-sarenimo.

7:Xeerka Caraynta

-In aad dadka kaa waaweyn ee kaa mansab sareeyo boos ku dhex sameysato dadkuna ay kuu aqoonsadaan qof intisa ka weyn waa caraynta Filkaaga.

8:Xeerka Maamulidda Waqtiga 

-Noqo sida doonta,Mowjadaha iyo Dabeylaha dhexdooda Maskax iyo Aqoonba ku socoto ee aan bilaa jihada aheyn.

9:Xeerka iyo Yoolasha/Ahdaafta

-Nolol bilaa hadaf ah,waa sida jidh bilaa naf ah,Garo wax kasta oo aad sameyneysid sababta aad u sameyneysid.

10:Xeerka Dhug yeelashada 

-Haddii aad haleeli weydo oo garan weydo khaladaadkaaga,weligaa sida saxda ah baran meysid.

11:Xeerka Waxbarashada 

-Haddii aadan dhibtoon waxba baran meysid waxbarashadu waa jihaad.

12:Xeerka Isbadelka 

-Haddii ay isbadeli weydo noloshaada oo aad hal meel uun taagnaato si uunnna u fikirto,khasaaro ayaad ku sugnaatay.

Turjumay:Marwan Nur Mude

Comments

Post a Comment

Halkaan iigu reeb wixii Talo iyo Tusaale ah

Popular posts from this blog

Qaanuunka La dhaqanka dadka iyo Ganacsiga.

Maqaal